Home » Ciyaaraha » Xulka Braziil iyo dhaawac maxaa kala haysta Xidigii Lixaad oo dhaawac looga Saaray+Sawiro

Xulka Braziil iyo dhaawac maxaa kala haysta Xidigii Lixaad oo dhaawac looga Saaray+Sawiro
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 2-06-16 7:38 PM

Waxaa soo badanaynaysa Nasiib darada dhanka dhaawacyada ah ee la soo gudboonaaneysa Xulka qaranka Braziil oo isku diyaarinaya koobka Laatiin America oo 4 ta bishaan ka bilaaban doona dalka Maraykanka ka dib markii dhaawicii lixaad uu Maanta soo gaaray Cayaaryahan Xulkaas ka tirsan.

Macalinka Xulka dalka Braziil Carlos Dunga ayaa Xaqiijiyey in Cayaaryahanka Luiz Gustavo uu noqday Cayaaryahankii lixaad ee dhaawac uu uga tagayo koobka Laatiin America kaas oo Maanta dhaawac soo gaaray.

Cayaartoyda ka dhaawacantahay Braziil ayaa waxaa ka mid ah Xidigaha kala ah  Douglas Costa Kaka Lucas Moura iyo kuwo kaloo badan waxaana uu ku tilmaamay dhaawaca Cayaaryahanadiisa kuwo Nasiib daro ah,

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10