Home » Ciyaaraha » AC Milan Oo Ku Dhow Inay Soo Xerogeliso Tababarihii Laga Raacdeeyey Kooxda Manchester City Manuel Pellegrini

AC Milan Oo Ku Dhow Inay Soo Xerogeliso Tababarihii Laga Raacdeeyey Kooxda Manchester City Manuel Pellegrini
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 12-06-16 7:25 AM

ababare Manuel Pellegrini ayaa si sahal ah uga soo kabsan kara qaabkii aadka u liitay ee looga raacdeeyey shaqada tababarenimo ee Manchester City isagoo jeebka ku shubanaya adduun lacageed dhan 4.7 milyan oo ginni sannadkii si uu u qabto xilka tababarenimo ee kooxda taariikhiga ah ee AC Milan

Camaaliqada reer Italy ayaa waxaa laga iibsaday milkiileheedii mudada dheer Silvio Berlusconi iyadoo ay la wareegeen maalgashadeyaal u dhashay dalka China kuwaasoo doonaya inay lacago badan ku qarash gareeyaan suuqa kala iibsiga xagaagaan si ay dib ugu dhisaan kooxdaan taariikhda ku leh kubadda cagta Yurub iyo midda caalamka.

Maalgashadeyaashaan kasoo jeeda Bariga Fog ayaa doonaya inay tababare magac leh u dhiibaan hogaanka Milan si ay kooxdaan ugu soo celiyaan saaxada sarre ee Serie A ka dib markii ay kaalimaha 8aad, 10aad iyo 7aad uga kala dhammeysatay horyaalka Italy seddaxdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Haatan waxaa diiradda u saaran tababare Pellegrini, oo 62 sanno jir ah ka dib markii ay ku guuldarreysteen inay soo xerogeliyaan tababaraha Sevilla seddaxda sanno ee xiriirka ah u qaaday koobka UEFA Europa league ee Unai Emery, kaasoo ay u muuqato inuu haatan doortay inuu qabto xilka tababarenimo ee kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint-Germain.

Pellegrini, oo ay Man City ku bedeshay tababare Pep Guardiola ayaa la filayaa inuu haatan ka faa’iideysto fursaddaan uu ku leylin karo kooxda ka dhisan San Siro ka dib markii uu iska diiday qabashada xilka tababarenimo ee kooxda Everton.