Home » Ciyaaraha » AC Milan Oo Magaca Tababarahooda Cusub Ku Dhawaaqeysa 1da Bisha July. Ayaa Ugu Cadcad?

AC Milan Oo Magaca Tababarahooda Cusub Ku Dhawaaqeysa 1da Bisha July. Ayaa Ugu Cadcad?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-06-16 8:53 PM

Waxaa jira warar sheegaya in Milan ay ku dhawaaqi doonto tababaraheeda cusub ee xilli ciyaareedka danbe 1da bisha July, iyadoo Marco Giampaolo uu ugu cadcad yahay.

Rossoneri ayaa ceyrisay Sinisa Mihajlovic bishii April kaasoo wadada u baneeyay Cristian Brocchi kaasoo laga soo dalacsiiyay akadeemiga kooxda.

Inkastoo madaxweyne Silvio Berlusconi uu qirtay in Brocchi uu sii ahaan doono macalinka kooxda, waxaana ay hadana u badan tahay in tababarihii hore ee Empoli Giampaolo in loo magacaabi doono shaqada.

 

Waxa uu la kulmay madaxweyne ku xigeenka kooxda Adriano Galliani isbuucii hore iyo wakiilo ka socdo shirkada Shiineeska ah ee wadahalada ugu jirta inay la wareegto Milan.

Sida ay sheegay Sport Mediaset iyo La Repubblica, magaca tababaraha cusub ee Milan waxaa la shaacin doonaa 1da bisha July.

Mana jirto wax balanqaadaya in la wareegista kooxda la dhameystiri doonto waqtigaas, madaama ay dib u dhacyo jiraan.

Madaxweyne Berlusconi ayaa haatan cusbital ku jira ka dib qaliin looga sameeyay wadnaha.