Home » Ciyaaraha » Agaasimaha Barcelona Robert Fernandez Oo Kooxaha Real Madrid Iyo Paris Saint Germain War Naxdin Leh U Sheegay

Agaasimaha Barcelona Robert Fernandez Oo Kooxaha Real Madrid Iyo Paris Saint Germain War Naxdin Leh U Sheegay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 6:47 AM

Agaasimaha kooxda Barcelona Robert Fernandez ayaa shaaca ka qaaday in xidiga yaraha kooxda iyo xulka Brazil Neymar Jr uu ogolaaday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan Camp Nou.

Arinka kasoo yeeray agaasime Fernandez ayaa dhabar jab weyn ku ah kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint Germain oo si ba’an xidigaan u doonayay mudooyinkii ugu dambeeyay, sidoo kalana Man United ayaa xidigaan il goonin ah ku heysay.

“Neymar wuu joogi doonaa” Ayuu yiri Robert Fernandez,

“Wuxuu heshiis la gaaray kooxda wuxuuna halkaan ahaan doonaa waqti dheer, kooxda ayaana si guud u shaacin doonta marka uu heshiiska soo afjarmo” Ayuu mar kale yiri agaasime Fernandez.

Si kastaba waxaa soo afjarmay sheekooyinka xanta ah ee sheegayay in Neymar Jr uu isaga tagi doono kooxda ka dhisan gobolka Catalonia si uu uga badbaado dhibaatada canshuurta.

Dhanka kale warar ka imaanaya Brazil ayaa sheegay in kooxaha Ingiriiska ay dalabyo waali ah xidigaan soo gaarsiiyeen, balse uu wax walba ka doortay inu kooxdaan kusii nagaado.

24-jirkaan heerka caalami heshiiska uu haatan kula jiro Bulgarana wuxuu ku egyahay 2018, kuna darso inuu kooxda u dhaliyay 31-gool, 48-kulan oo uu saftay xagaagii dhamaaday dhamaan tartamada oo dhan.