Home » Ciyaaraha » Angel Di Maria Oo La Filaayo Inuu Seego Final-ka Copa America

Angel Di Maria Oo La Filaayo Inuu Seego Final-ka Copa America
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 6:06 AM

Angel Di Maria ayaa la filaya inuu seegi doono final-ka Copa America Centenario kaas oo dalkiisu uu la ciyaari doono Chile kadib markii la sheegay in xidigaan uusan wali si fiican uga soo kaban dhaawicii muruqa.

Di Maria ayaa dhaawac looga saaray kulan ay Argentine 5-0 ku garaacday Panama kaas oo ahaa kulankoodii labaad ee Group-ka waxaana uu sidaas ku seegay sadexdii kulan ee ugu dambeysay dalkiisa oo ay garaaceen Bolivia, Venezuela iyo  United States.

Weeraryahanka kooxdda PSG ayaa u diyaar garoobayay inuu Final-ka wajaho Chile Axada laakiin wararka ayaa sheegaya inuu wali xanuun qabo.

Di Maria ayaa tababar bilaabay khamiistii isagoo la alaamiiteyay koox dhalinyaro deegaanka ah laakiin ma’ahan mid ku filan inuu Final-ka ciyaaro sidaay qortay jariirada O Globe.

Argentine ayaa sidoo kale dhaawacyo badan qabta ka hor ciyaarta Final-ka ,xulka tababare Gerardo Martino ayaa sugaya xaalada Ezequiel Lavezzi, Nicolas Gaitan iyo Marcos Rojo kuwaas oo dhamaan dhawacyo qaba.