Home » Ciyaaraha » Antoine Griezmann oo dhabarka xijiyey kooxo dhowr ah oo daneynayey saxiixa xilli uu qalinka ugu duugay..

Antoine Griezmann oo dhabarka xijiyey kooxo dhowr ah oo daneynayey saxiixa xilli uu qalinka ugu duugay..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 12:56 PM

Antoine Griezmann ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyey kooxda ka dhisan caasimada dalka SPain ee Atletico Madrid kadib markii uu qalinka ugu duugay qandaraas cusub oo shan sano ah sida lagu daabacay warbaahinada qaar.

25 Sano jirkan u dhashay dalka France ayaa lala xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo horyaalka Ingiriiska xilli ay kooxo dhowr ah oo ka xamaasha Premier League ay baadi goob ugu jireen saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, L’Equipe ayaa daaha ka rogtay in Antoine Griezmann uu qalinka ugu duugay qandaraas cusub oo shan sano ah, qandaraaskan ayaana niyad jab ku abuuri doono kooxihii ceyrsiga ugu jiray saxiixiisa.

Heshiiska Griezman uu kula jiro kooxda reer Spain ayaa lasoo tabinayaa in lagu burburin karo aduun lacageed oo gaarayo ilaa 80 Milyan oo Euro una dhiganta 62.4 Milyan oo ginni, waxa uuna shabaqa soo taabtay Griezmann 22 jeer 36 kulan oo uu kasoo muuqday La Liga ha dalka Spain.

Antoine Griezman ayaa gacan ka siiyey kooxdiisa iney soo gaarto kama dambeysta koobka horyaalada Yurub, halka sidoo kale uu kooxdiisa gacan ka siiyey iney kaalinta sedexaad ka ciriirsadaan horyaalka LFP ga dalka Spain.