Home » Ciyaaraha » Arsenal Oo Diyaar U Ah Inay Meesha Ka Saarto Xiisaha Ay Kooxda Barcelona U Qabto Daafaceeda Hector Bellerin

Arsenal Oo Diyaar U Ah Inay Meesha Ka Saarto Xiisaha Ay Kooxda Barcelona U Qabto Daafaceeda Hector Bellerin
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 9:04 AM

Arsenal ayaa diyaar u ah inay meesha ka saarto xiisaha ay Barcelona u qabto daafaceeda dambeedka midig Hector Bellerin iyadoo ka dalbaneysa qandaraas cusub, sida ay qortay majaladda Daily Mirror.

Kooxda heysata horyaalka Spain ee Barcelona ayaa indhaha ku heysa soo xerogelinta Bellerin xagaagaan ka dib markii uu wacdaro ka dhigay horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkii dhammaaday 2015 illaa 2016.

Balse Gunners ayaa diyaar u ah inay meesha ka saarto xiisahaas ay Barcelona u qabto Bellerin iyadoo qandaraas cusub oo ay kusii ceshaneyso ka saxiixaneysa daafacaan oo ka mid ah hantideeda ugu qaalisan, qandaraaska haatan ee Bellerin ayaana dhacaya xagaaga 2019ka.

21 sanno jirkaan Bellerin ayaa xirfaddiisa kubadda cagta kasoo bilaabay akadeemigga Barcelona, laakiin wuxuu kusoo biiray Arsenal sannadkii 2011kii isagoo heshiis xirfadlenimo u saxiixay laba sanno ka dib.

Daafaca dambeedka midig ee dalka Spain, oo ka mid ah ciyaartoyda La Roja u matalaya tartanka Euro 2016 xagaagaan, ayaana si dhaqsi ah uga mid noqday daafacyada dhallinyarada ah ee ugu wanaagsan horyaalka Premier league iyo qaaradda Yurub.

Laakiin inkastoo Barcelona ay saxaafadda ammaan usoo marisay Bellerin, hadana kooxda ka dhisan Nou Camp weli dalab rasmi ah kama aysan gudbin daafacaan. Ciyaaryahanka qudhiisa ayaana sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda ka dhisan Waqooyiga London taasoo Arsenal rajo weyn ku gelisay inay sii ceshan karto.

Madaxda Arsenal ayaa haatan ku rajo weyn inuu Bellerin u saxiixi doono qandaraas cusub, inkastoo ay xaqiiqdu tahay in aysan labada dhinac wax heshiis ah isla meeldhigin.

Sidoo kale, Gunners ayaa kalsooni ku qabta inay qandaraas cusub ka saxiixan doonto kubadsameeyeheeda Jarmalka u dhashay Mesut Ozil iyo gooldhaliyeheeda reer Chile Alexis Sanchez – kaasoo sidoo kale laba sanno ka harsan tahay qandaraaskiisa. Arsenal ayaana wadahadallo la yeelatay wakiiladdan labadaan xiddig iyadoo kala hadashay sidii ay qandaraasyo cusub qalinka ugu duugi lahaayeen.