Home » Ciyaaraha » Arsenal Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Da’yarka Fulham Moussa Dembele, Yaase Ugu Cad-Cad?

Arsenal Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Da’yarka Fulham Moussa Dembele, Yaase Ugu Cad-Cad?
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:11 PM

Sida ay warineyso ESPN kooxda Arsenal ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa da’yarka dhanka weerarka ka ciyaara ee kooxda Fulham Moussa Dembele kaas oo ay doonayaan kooxo badan oo ka dhisan horyaalka Ingiriiska.

19-jirkaan heerka caalami ayaa rajeynaya inuu si xor ah uga tago kooxda ka ciyaarta heerka labaad ee dalka Ingiriiska marka ay bishaan soo dhamaato madama uu dhacayo heshiiska uu kooxdaan kula jiro.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa suuqa ka baadi goobaya badalka Danny Welbeck kaas oo la sheegay inuusan garoomada kasoo muuqan doonin tan iyo horaanta sanadka cusub madama uu dhaawac dhanka jilibka ah soo gaaray horaantii sanadkaan, wuxuuna markaan isha ku hayaa xidigaan dhaqaaqa badan ee ka tirsan Fulham.

Sidoo kale kooxaha Liverpool, Chelsea, Juventus, Galatasaray, Fenerbahce iyo Tottenham Hotspur ayaa xiiso u qaba xidigaan heerka caalami iyadoo ay xusid mudan tahay in Spurs ay qarka u fuushay saxiixiisa xidigaan bishii January.

Ugu dambeyntiina Wenger ayaa wiilkaan soo qaadan doona si uu ugu noqdo keyd fiican madama uu sidoo kale ku rajo weyn yahay inuu soo xareeyo weeraryahan heer caalami ah.