Home » Ciyaaraha » Arsenal oo soo bandhigtay Magacyada 3 Cayaaryahan oo laga Tiray liiska Naadiga

Arsenal oo soo bandhigtay Magacyada 3 Cayaaryahan oo laga Tiray liiska Naadiga
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-06-16 1:03 AM

Kooxda Kubada Cagta Arseanal ayaa ku dhawaaqday Magacyada Sadex Cayaaryahan oo Caan ah oo ay ka tireen Liiska Naadiga Xili Cayaareedka 2016-2017.

Sadexda Cayaaryahan ee laga diray Kooxda London ka dhisan ee Arsenal ayaa kala ah Mikel Arteta, Mathieu Flamini iyo Tomas Rosicky  kuwaas oo Macasalaameyn doona Kooxdaan oo ay mudo dheer u dheelayeen.

Arsene Wenger oo ah Macalinka Arsenal ayaa sheegay in Xidigahaan ay ahaayeen kuwo uusan marna himaami doonin uuna uga Mahad celinayo Wada shaqayntii wanaagsanayd ee dhex martay Balse hada ay fasax ka yihiin Naadigiisa isaga oo sidoo kale u sheegay Taageerayaasha Naadiga in badalkooda la keeni doono dhawaan,