Home » Ciyaaraha » Arsenal oo soo gabgabeysay la lasoo wareegida xidiga Henrikh Mkhitaryan

Arsenal oo soo gabgabeysay la lasoo wareegida xidiga Henrikh Mkhitaryan
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-06-16 6:48 AM

Arsenal ayaa sarre u qaaday raacdada ay ugu jiraan xiddiga Borussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan oo hadda vqarka ay usaran yihiin in ay heshis la gaaraan.

inkastoo shakiga badan laga muujinayo Gunners in ay ka saxiixdaan weeraryahanka Leicester Jamie Vardy oo uduulay dalka France si uu kaga qeyb galo Euro.

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa doonaya in heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Armenia iyo Borussia Dortmund uu kusoo gabagabeeyo £ 25million oo ah lacagta lagu qiimeeyo.

Chelsea, Liverpool iyo Tottenham ayaa sidoo kale isha ku haya ciyaaryahanka Mkhitaryan,oo  27 jir ah,

Kooxda reer Jarmal ayaa diyaar u ah inay iska iibiso ciyaaryahanka, kaasoo kaliya hal sano uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan.