Home » Ciyaaraha » Arsenal oo u dhaqaaqday saxiixa Islam Slimani

Arsenal oo u dhaqaaqday saxiixa Islam Slimani
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 8:30 PM

Kooxda Arsenal ayaa kusoo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Islam Slimani marki ay weysay weerayahanka kooxda Leicester City Jamie Vardy.

Kooxda Leicester City, ayaa khamiisti ku dhaqwaaqday in Vardy uu heshiis afar sano ah u kortdhiyay kooxdiisa walow ay kooxda Arsenal diyaar la ahayd qiimaha la duldhigay beeciisa oo ah£20m si uu ga soo dhaqaaqo aroonak King Power.

Jariirada Abola ee kasoo baxda dalka Portugal aya sheegtay in Slimani ay dusah ka eeganeyso kooxda Waqooyiga Londonkadib marki uu 28 jirkan dhaliay 31 gool 44 kulan uu kooxdiisa u saftay.

Waa la aamisan yahay in sidoo kale Leicester City ay daneynaysay xiddiga heerka caalami ee dalka Algeria ka hor inta uusan Vardy heshiiska u kordhin.

Slimani, oo sidoo kale shiishka u saarnaa kooxda Tottenham ayaa beeciisa lagu qiimeeyay £24m si loo jabiyo heshiiska uu kooxdiisa Sponting kula jiro.