Home » Ciyaaraha » Arsene Wenger oo qirtay Guuladarada Jamie Vardy basle Weli Rajo kaqaba N’Golo Kante

Arsene Wenger oo qirtay Guuladarada Jamie Vardy basle Weli Rajo kaqaba N’Golo Kante
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 6:14 AM

Macalinka kooxda Kubada cagta Arsenal Arsene Weger ayaa qirtay in uu Ku Guuldaraystey kana quustay Weeraryahankii uu aadka u doonayey ee Jamie Vardy kaas oo Heshiis Cusub u Saxiixay kooxdiisa Leicester City.

Arsene Wenger ayaa sheegay in uu weli Rajo ka qabo in uu soo qaato Cayaaryahanka khadka dhexe ee dalkiisa N’Golo Kante  kaas oo u dheela kooxda  Leicester City oo uu la qaaday Horyaalka dalka England.

Mar ayaa lashaaciyey in Jamie Vardy uu Tijaabo caafimaad u mari doono Arsenal laakiin hada sida muuqata waa uu dhamaaday damacii Macalinka Arsenal sida uu isagu qirtay ee ahaa in uu lasoo Wareego Weeraryahanka dalka England.