Home » Ciyaaraha » Barca oo laga soo diiday dalab ee ka gudbisay weerar yahanka Kooxda Juventus Paulo Dybala

Barca oo laga soo diiday dalab ee ka gudbisay weerar yahanka Kooxda Juventus Paulo Dybala
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 30-06-16 6:10 AM

Ninkii markii hore weeraryahankaan keenay Yurub, Gustavo Mascardi ayaa daaha ka qaaday inuu xiddiga dhallinyarada ah ee kooxda Juventus Paulo Dybala uu hore u diiday inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka La Liga ee Barcelona.

Ka dib markii uu heshiis ku kacay 40 milyan oo euros ugu soo wareegay Juventus xagaagii lasoo dhaafay, gooldhaliyihii hore ee Palermo ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxda ka dhisan Turin, wuxuuna ku dhammeystay kaalinta labaad ee kala sarreynta gooldhalinta horyaalka Serie A isagoo dhaliyey 19 gool 34 kulan oo uu ciyaaray.

Natiijadaas ayaa keentay in 22 sanno jirkaan uu bartilmaameed u noqdo kooxaha ugu tunka weyn Yurub oo ay ku jiraan Manchester United, Real Madrid iyo Barcelona. Mascardi ayaana daaha ka qaaday inay La Blaugrana dalab 80 milyan oo euros ah kasoo gudbisay Dybala laakiin uu xiddigaani doortay inuu kusii nagaado Bianconeri.

“Markii aan la hadlay Paulo iyo wakiilkiisa Pierpaolo Triulzi waxaan ogaaday inuu xiddigaani doonayo inuu kusii nagaado Juventus isla markaana uu joogo kooxda ku habboon,” ayuu yiri ninkaan oo ah aasaasihii Mascardi Group.

“Sannad ka hor Inter Milan iyo AC Milan ayaa sidoo kale doonayey inay lasoo saxiixdaan, laakiin wuu ku saxnaa inuu doorto koox uu ka heli karo boos joogto ah isla markaana ceshan karta. Xirfad ciyaareedkiisa Juventus hadda ayey biloow tahay. Paulo wuxuu caddeeyey inuu ku faraxsan yahay joogista Juventus isla markaana uusan dhegeysan doonin dalabyada u imaanaya.

“Waa xaqiiq inay Barcelona bilihii ugu dambeeyey xiiso u qabtay La Joya, waxaan u maleynayaa inay ka gudbisay dalab laba u jibbaar ah qiimihii ay kusoo iibsatay Bianconeri laakiin waa uu iska diiday inuu ku biiro Barcelona.”