Home » Ciyaaraha » Barcelona oo dooneysa in ay waaxdeeda bur burinta ku kabto Grzegorz Krychowiak

Barcelona oo dooneysa in ay waaxdeeda bur burinta ku kabto Grzegorz Krychowiak
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-06-16 7:41 AM

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gashay loolanka loogu jiro helida shaqada xiddiga Sevilla Grzegorz Krychowiak.

Waxaa la fahansan yahay in hore ciyaaryahankan loola xiriirinayey Manchester United iyo Arsenal.

Hase yeshee, Barca ayaa la soo hadal qaaday wakiilka Krychowiak   suuragalnimda ah in uu Camp Nou ka shaqeysan karo ololaha dambe, sidaas waxaa warisay Mundo Deportivo.

Luis Enrique waxa uu baadi goob ugu jiraa laacib maankiisa u badan yahay daafaca si uu garab ugu noqdo Sergio Busquets.

Kubadda ciyaaraha u dhashay Poland waxaa lagu bur burin karaa qandaraaska uu kula joogo Sevilla £34.5m.