Home » Ciyaaraha » Barcelona oo heshiis lagaarta 7 Sano jir lagu Neynaaso British New Messi+Sawiro

Barcelona oo heshiis lagaarta 7 Sano jir lagu Neynaaso British New Messi+Sawiro
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 9:42 PM

Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa heshiis lagaartay Wiil yar oo 7 Sano Jir ah oo lagu Magacaabo Enzo Romano kaas oo ku dhashay Magaalada Cardiff ee Caasimada dalka Wales waxaana Wiilkaan yari uu leeyhaay qaab Cayaareedka Xidiga Caalamka ugu fiican ee Lionel Messi,

Enzo Romano oo ah Inan yar oo 7 Jir ah ayaa Barcelona heshiiskiisa waxa ay ka dulqaaday kooxo badan oo doonayey maadaama lagu Neynaaso British New Messi uuna kubada u dheeelo sida Xidiga dalka Argentina.

Enzo aabihii Antonio,ayaa Magaalada Cardiff u soo Guuray Sanadkii 2005 tii isaga oo ka soo Tagay Talyaaniga Waxayna halkaa isku Barteen Wiilkaan Hooyadii Awilda,oo 28 jir ah Taas oo 2007 dii katagtay dalka Spain waxayna isku Guursadeen Wales oo uu ugu dhashay wiilkaan yar ee Barcelona qaadatay hada.

Wiilkaan yar ee Enzo Romano ayaa bilaabay in uu dheelo kubada Cagta isaga oo 4 Sano jir ah Xiligaa oo uu kujirey Penylan Community Centre balse Waxaa arkooday dalaaliinta kooxo badan Barcelona hada diiwaan gashatay.

1 2 3 4 5