Home » Ciyaaraha » Cayaartoy uu ka mid yahay Mesut Ozil oo Macalinka Jarmalka u Cadeeyey in ay Soomi doonaan Maalinkii oo dhan

Cayaartoy uu ka mid yahay Mesut Ozil oo Macalinka Jarmalka u Cadeeyey in ay Soomi doonaan Maalinkii oo dhan
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 4:42 AM

Xidiga Xulka qaranka Jarmalka ee Mesut Ozil iyo Cayaaryahano kale oo Muslim ah oo u dheela Xulka qaranka Jarmalka ayaa sheegay in aysan Wax Cuni doonin waxna Cabi doonin Maalintii inta lagu Guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Cayaaryahanada Xulka Jarmalka ee kala ah Mesut Ozil Emre Can iyo Sami Khedira ayaa Wacad ku maray in ay Soomi doonaan bisha Ramadaan oo ku soo beegmeysa Xili ay dheelayaan koobka qaramada yurub 2016.

Macalinka Jarmalka Joachim Low iyo Macalimiin kale oo koobka yurub dheelaya ayaa hardan adag lagelaya Xidigaha doonaya in ay Soomaan oo aysan Waxba Cunin Maalinkii oo dhan iyaga oo u arkaya in Cayaartoydiisa ay ku imaaneyso dhibaato iyo tababar dari hadii uu Cuntada iyo Cabida diido.

Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa koow ahayd 6 dii bisha June ee shalay waxaana koobka yurub bilaaban doonaa 10 ka bishaan Waana Xili ay Sadex maalmood Soomeen Cayaartoyda dalka Jarmalka ee aan soo sheegney.