Home » Ciyaaraha » Cayaartoydii ku dheeleysey Magaca Somaliland oo 10 Gool looga badiyey iyo dowlada Siilaanyo oo sheegtey in aysan iyaga matalin

Cayaartoydii ku dheeleysey Magaca Somaliland oo 10 Gool looga badiyey iyo dowlada Siilaanyo oo sheegtey in aysan iyaga matalin
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 9:50 PM

Xulka ku dheelayey Magaca Somaliland ayaa la kulmay guuldaradii saddexaad ee koob aduunka wadamada aan la aqoonsanayn ee Conifa, kadib markii ay 10 iyo 3 gool kaga adkaadeen xulka qaranka Szekely Land, iyagoo ciyaarta ku dhamaystay 7 ciyaaryahan

Ciyaartan oo ku tirsanayd ciyaaraha kala saarista xulalka ee dhinaca kaalmaha – ayaa labada qaran ku dhex martay garoonka “Daur Akhvedeliani” stadium, Gagra.

Qaybtii hore xulka Somaliland wuxuu u muuqday mid aan la loodin karin, waxaanay ciyaartu ku socotay 3-3, laakiin qaybtii dambe markii Somaliland ay ka dhaawacmeen saddex ciyaaryahan oo garoonka laga saaray, horena saddex kale dhaawac ugaga maqnaayeen, waxa ku dhacay dhabar jab iyo waxaanay xejin kari waayeen 11 ciyaaryahan oo kubbada mar kasta weerar ku ah.

Ciyaartuna waxay ku dhamaatay 10 gool iyo 3 ay xulka Szekely Land guushu ku raacday, waxaanay ku xoogsadeen guushii labaad ee ay tartanka kala hoydaan, iyo kaalinta 9 aad ee kala saraynta koobka sanadkan.

Halka Somaliland oo afarteedii ciyaarood hal kulan badisay, 3 ciyaaroodna laga badiyey ay kaalinta 10 aad ee Conifa World Football Cup sanadkan ku dhamaysteen.

Kadib Guuladaradaas Waxaa Magalaada Hageysa Shir Jaraa id ku qabtay Wasiirka Dhalin yarada iyo Sportiga Somaliland kaas oo sheegay in Cayaartoyda ka qayb gashay koobka Aduunka Wadamada aan la aqoonsanayn in ay ahaayeen qowleysato dibada iska abaabushay oo qaarkood Koofurta Soomaaliya ka soo jeedaan Nama matalaaan ayuu hadalkiisa Raaciyey Wasiirka hadlay.

Somaliland-oo-ka-hadhay-655x360