Home » Ciyaaraha » Cayaaryhaankii hore ee Xulka dalka Argentina Diego Maradona oo baaq u diray Lionel Messi

Cayaaryhaankii hore ee Xulka dalka Argentina Diego Maradona oo baaq u diray Lionel Messi
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-06-16 6:04 AM

Cayaaryhaankii hore ee Xulka dalka Argentina Diego Maradona ayaa ugu baaqay Cayaaryahanka ay isku Wadanaka yihiin ee Lionel Messi in uu ka laabto Go aankiisii ahaa in uu ka fariistay Cayaaraha Caalamiga isaga oo yiri waa in aad u sii dheeshaa dalkaaga.

Lionel Messi ayaa dhawaan shaaciyey in uu gebi ahaanba soo gaba gabeeyey u Cayaarista dalkiisa ka dib markii laga qaaday koobka America oo ay Chille Rigoorayaal kaga qaadeen waxaana uu lumiyey Xidigaan Finalkii 3 aad ee Xiriir ah,

Diego Maradona” Waxaan kula talin lahaa Messi in uu sii Wato Cayaarihiisa oo uusan ka fariisan Waayo Waa 29 Jir hada Waxa uuna dheeli karayaa koobka aduunka 2018 iyo koobab kale Waana macquul in uu qaado koob sidaa Waxa uu u sheegay Maradona Goal,com.

Maradona ayaa ahaa Cayaaryahankii koobka aduunka u qaaday Argentina Sanadkii 1986 dii Waxaana lala lahaa Messi ayaa ka fiican balse Markii uu qaadi waayey Wax koob ah Gaar ahaan dalkiisa ayey Cadaatay in Messi uusan lamid ahayn ama lagu Matali karayn Geesigii Argentina Diego Maradona.