Home » Ciyaaraha » Chelsea inuu ka tago Diego Costa kuna laabto Atletico Madrid waa”khasaare aad u weyn mid kamid ah xiddgaha Bules oo Afka furtay

Chelsea inuu ka tago Diego Costa kuna laabto Atletico Madrid waa”khasaare aad u weyn mid kamid ah xiddgaha Bules oo Afka furtay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 5:24 AM

Pedro ayaa ugu baaqay ninka ay isku kooxda yihiin ee Diego Costa inuu sii joogo Chelsea ka dib markii uu qiray isagoo sheegay in ay u tahay “khasaare aad u weyn ‘hadii uu weeraryahanka ku laabto Atletico Madrid.

Costa ayaa lala xiriirinayay inuu dib ugu laabto Vicente Calderon xagaagan ka dib markii uu xilli ciyaareed la yaab leh ku qaatay garoonka Stamford Bridge.

Dhinacyada kale Cesc Fabregas,Eden Hazard, iyo Costa ayaa la calaamadeeyay sadexda nin ee taageeraha u ahaa in Jose Mourinho laga ceyriyo shaqadi Bules bishii December ee la soo dhaafay.

Weeraryahanka reer Spain aya shaqo fican qabtay markii uu kooxda la wareegay shaqdeeda Guus Hiddink ,lakiin waxaa uu ku guuldareystay inuu soo jiito tababare xulka qaranka Vicente del Bosque, oo ka tagay Costa ciyaaraha Euro 2016.

Atletico ayaa wax qarsoodi ah an ka dhigin sida ay u doonayaan weeraryahanka ka dib markii ay isaga iibiyeen £ 32million 2014.

Macalin Diego Simeone ayaa u muuqda inuu sii joogo kooxda, inkastoo ay doonayso by Paris Saint-Germain, xili ciyaareedka dambe.