Home » Ciyaaraha » Chelsea Iyo Antonio Conte Oo Beeniyeen In Pato Uu Kooxda Heshiis Rasmi La Gaaray.

Chelsea Iyo Antonio Conte Oo Beeniyeen In Pato Uu Kooxda Heshiis Rasmi La Gaaray.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-06-16 7:46 PM

Macalinka cuusb ee kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa xaqiijiyey inuusan jirin in wada hadal ay la yeesheen ciyaaryahan Pato kaasi oo ah inuu kooxda heshiis u saxiixayo.

26-sano jirkaan ayaa dhicidoono heshiiska amaahda uu kula joogo kooxda waxaana kaliya kooxda uu u saftay laba kulan, isagoo dhaliyey hal gool.

Waxaan uu mar waliba doonayey xidigaan inuu joogo kooxda Chelsea, laakiinse uma muuqdo ciyaaryahanka inuu Blues kusii nigaandoono, maadaama Chelsea hada ay xiiseyneyso Alvaro Morata, Romelu Lukaku and Gonzalo Higuain.

Conte ayaa Chelsea imaandoono Tartanka Euro kadib , laakiin taasi ma ahan micneheeda in xidiga amaahda ku joogo kooxda Caawindoonto.

Wakiilka ciyaaryahanka oo lagu magacaabo Kia Joorabchian,  ayaa waxaa uu sheegay in xidiga uu raadsandoono kooxo kale , maadaama Chelsea waqtigaan aan diyaar u ahayn in heshiis la gaarto ciyaaryahanka.