Home » Ciyaaraha » Chelsea oo dooneyso dhaliyaha ugu sareeyo Euro 2016

Chelsea oo dooneyso dhaliyaha ugu sareeyo Euro 2016
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:36 AM

Kooxda Chelsea ayaa aad u xiiseyneysa inay suuqaadato 23-sano jirka weerarka uga ciyaara kooxda juventus ee Alvaro Morata , iyadoo xitaa soo bandhigtay lacagta ay ku dooneyso.

Macalinka imaandoono kooxda Blues ee Conte ayaa xidigaan soo maamulay xilligii Juventus isagoona ka keenay dhanka iyo Real Madrid sanadii 2013.

Chelsea ayaa dhibaato kala kulmikarta kooxda Real Madrid oo heshiiska ciyaaryahankaan ka dhigtay maalinkii laga soo iibsanayey inay dib u iibsabkaraan.

Ciyaaryahankaan ayaa markii hore lala xiriirnayey kaliya kooxaha kala ah manchester United iyo Arsenal , laakiin Chelsea ayaa si lama filaan ah tartankaan ugu soo biirtay.