Home » Ciyaaraha » Chelsea oo ku fashilantay siyaasadii ay ku doonatay xiddiga Roma Radja Nainggolan

Chelsea oo ku fashilantay siyaasadii ay ku doonatay xiddiga Roma Radja Nainggolan
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 6:52 AM

Radja Nainggolan ayaa la sheegay inuu iska diiday dalab lacag sare ah, oo uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxda ka dhisan magaalada London ee Chelsea.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium ayaa la fahamsan yahay inuu diirada u saaran yahay tababaraha soo socda ee Blues Antonio Conte.

Laakiin waxa uu haatan u muuqdaa inuu sii joogayo kooxda Roma, isagoo ka ballan-qaaday madaxweynaha kooxda inuu kusii sugnaan doono garoonka Stadio Olimpico.

Nainggolan ayaa yiri: “Waxaan u sheegay madaxweynaha kooxda Roma in aan jeclahay halkaan inaan kasii ciyaaro waqti badan, sidaas ayaan kusii joogayaa”

Nainggolan oo hadda ku sgna France, halkasoo uu kala qeyb galayo xulkiisa ciyaaraha Euro 2016ka, ayaa wargeysyada waweyn ee Ingiriiska kasoo baxay hore ay u sheegeen inuu aqbalay dalabka uu ugu dhaqaaqyo Chelsea.

Macain Conte ayaa hadda ay ubadan tahay inuu ka quusan karo ciyaaryahan oo ku dhawaaqay sii joogista kooxda Roma, inkastoo dalab kale oo qaali ah uu ka gudbin doona sida Daily star ay fahamsan tahay.