Home » Ciyaaraha » Ciyaaryahan ay Chelsea si ba’an u baadi goobeysay oo dhabarka xijiyey xilli uu tijaabada caafimaadka u maray

Ciyaaryahan ay Chelsea si ba’an u baadi goobeysay oo dhabarka xijiyey xilli uu tijaabada caafimaadka u maray
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 11:08 AM

Juventus ayaa ku dhow inay dhammeystirto saxiixa xiddiga qadka dhexe ee kooxda AS Roma Miralem Pjanic kaasoo saakay oo Isniin ah kasoo degay magaalada Turin si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Vecchia Signora.

26 sanno jirkaan ayaa lala xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo kooxda Chelsea, laakiin wuxuu bedelay maankiisa isagoo caddeeyey dareenkiisa ku aadan inuu ku biiro Juventus ka dib markii uu kooxdiisa u gudbiyey codsi ah inay ka iibiso Old Lady Isbuucii lasoo dhaafay.

Juventus ayaa sheegtay inay miiska saartay qiimaha lagu burburin karo qandaraaska xiddigaan Pjanic oo ah 38 milyan oo euros, kooxda ayaana horraantii saakay xaqiijisay inuu xiddigaani kasoo degay magaalada Turin.

Pjanic, oo sidoo kale lala xiriirinaayey kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain, ayaa 10 gool ka dhaliyey horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.