Home » Ciyaaraha » Cristiano Ronaldo Iyo Gareth Bale Oo Ogolaaday Iney Qandaraasyada U Kordhiyaan Kooxdooda Real Madrid

Cristiano Ronaldo Iyo Gareth Bale Oo Ogolaaday Iney Qandaraasyada U Kordhiyaan Kooxdooda Real Madrid
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-06-16 6:49 AM

Gareth Bale ayaa heli doono qandaraaskiisii noloshiisa halka Cristiano uu saxiixi doono heshiis cusub oo waqti dheer ku sii heynaya kooxda Real Madrid, sidaasi waxaa qortay Marca.

Labada xidig ayaa loo sheegay iney yihiin tiirarka kooxda Real Madrid waxayna qandaraasyada ay haatan kula jiraan kooxda dhamaanayaan 2018 oo ah kan Ronaldo iyo 2019 oo ah kan Bale laakin waxay labada dheereysan doonaan waqtiga ay sii joogayaan kooxda.

Xidigahaan ayaa dalabyo ka helaya kooxaha hantida leh ee Manchester United iyo Paris Saint Germain laakin Madrid ayaa iyana u sheegtay in jeebkooda uu buuxo waxayna ka saxiixayaan xidigahaan heshiisyo la qiimo ah kuwo ay kooxahaas diyaar ula yihiin.

 

Ronaldo ayaa xili ciyaareedkiisii lixaad oo xiriir ah dhaafay xadka 50 ka gool wuxuuna qaatay xili ciyaareed kale oo raaxo ah isagoona kooxdiisa ka caawiyay hanashada Champions league halka Gareth Bale uu ahaa xidig aan laga maarmeyn inkastoo uu dhaawiciisa badnaa wuxuuna haatan xulkiisa Wales ku hogaaminaya tartan taariikhi ah.