Home » Ciyaaraha » Cristiano Ronaldo oo durba cabsi ka muujiyey kulamada xulka dalkiisa Portugal ee koobka qaramada Yurub ee Euro 2016

Cristiano Ronaldo oo durba cabsi ka muujiyey kulamada xulka dalkiisa Portugal ee koobka qaramada Yurub ee Euro 2016
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 11:47 AM

Weeraryahanka xulka dalka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa hoos u dhigay wararkii sheegayey in xulka Portugal ay si fudud ugu soo bixi karaan wareega group yada koobka qaramada qaarada Yurub oo caawa ka furmi doono dalka France.

Xulka Orange ayaa ku group ah dalalka kala ah Austia, Iceland iyo Hungry iyaga oo kuwada jiro group lixaad ee F waxaana la filanayey in xulka Portugal ay kaalinta ugu horeysa kaga soo baxaan wareegan.

Don ayaase ka dhawaajiyey warar ka duwan wararkii la sheegayey isaga oo sheegay ineysan aheyn xaalada mid fudud maadaama ay group ka nagula jiraan dalal sida Austria iyo Hungry ah, isaga oo sidoo kale ka dhawaajiyey in lama filaan lagala kulmi karo xulka Iceland.

“Fikrado ayaa had iyo goor jiri kara, waa inaad dheeshaa ciyaarta, waana inaad dagaalantaa inta lagu guda jira 90 ka daqiiqo oo ay ciyaarta socoto si aad guul u gaarto, Hungry iyo Austria waa dalal xoogan. Dad badan ayeyna ka yaabin karaan” Don Ronaldo ayaa sidaas saxaafada u sheegay.

“Iceland qudheeda ma sahlana waayo waxa uu ay kaalinta labaad ugu soo baxday group ay ku jireen dalalka Turkey iyo Netherland iyo Czech Republic, Holland ayeyna afka ciida u dareen oo ay kasoo reebeen koobkan weyn, looma baahna inaan wax kale oo intaas ka badan kasii sheegno Iceland”.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in xulkii tagay kama dambeysta Koobka Euro 2004 uu kulankiisa furitaanka la ciyaari doono xulka Iceland afar maalin kadib, wallow uu koobka qaramada Yurub si rasmi ah caawa ugu furmi doono dalka France.