Home » Ciyaaraha » Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Sababtii Uusan U Dabaal-dagin Markii Portugal Ay Garaacday Croatia

Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Sababtii Uusan U Dabaal-dagin Markii Portugal Ay Garaacday Croatia
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-06-16 6:19 AM

Xidiga kooxdda Real Madrid CR7 ayaa door fiican kulahaa guushii dalkiisu uu ka gaaray Croatia, kadib gool soo daahay oo uu daqiiqadii 117 aad dhaliyay Ricardo Quaresma ayaa Portugal ka caawiyay iney 1-0 ku badiyaan sabtidii.

Inkastoo ay si fiican u ciyaareen kulamadii Group-yada hadana Croatia ayaa laga soo saaray wareega 16-ka, 30 jirka lagu magaacabo Luka Modric ayaa umuuqday mid aad u niyad jabay.

Xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Pepe ayaa isku dayayay iney qanciyaan ninka ay koox wadaaga yihiin ee Modric waxaana ay ugu tageen gudaha garoonka markii ay ciyaartu dhamaatay.

Ronaldo ayaa sharaxay sababta uu udiiday inuu dabaal-dago.

“Dabcan waan ku faraxsanaa iney Portugal garaacdo Croatia, laakiin si walbaba ma dabaal-dagi karin sababtoo ah walaalkey Luka Modric ayaa ooynaayay ,waajib ayey igu tahay inaan niyada u dajiyo walaalkey ayuu yiri Ronaldo.

Portugal ayaa gaartay wareega Quarter final-ha waxaana ay ku ku aadeen Poland.