Home » Ciyaaraha » Cristiano Ronaldo” Waxaan ahay Xidigii ugu fiicnaa kubada Cagta 20 kii Sano ee la soo dhaafay

Cristiano Ronaldo” Waxaan ahay Xidigii ugu fiicnaa kubada Cagta 20 kii Sano ee la soo dhaafay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-06-16 8:31 AM

Weeraryaahnka Xulka dalka Portugal iyo Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa isku Caleemo saaray in uu yahay Cayaaryahankii ugu fiicnaa kubada Cagta 20 kii Sano ee la soo dhaafay aysana jirin cid ku qabsan karta sida uu sheegay.

Cristiano Ronaldo oo Waraysi siiyey Jariidada ka so baxda dalka Talyaaniga ee ‘Undici’ayaa yiri sida aan aaminsanahay waxaan ahay Xidigii ugu fiicnaa kubada Cagta 20 kii Sano ee la soo dhaafay in kastoo ay jiraan ayuu yiri Cayaartoy wanaagsan sida Lionel Messi’oo kale hadana aniga ayaa ugu fiicnaa ayuu hadalkiisa sii Raaciyey Roanaldo.

Ronaldo ayaa sidoo kale Waxa uu ka hadlay Rajada dalkiisu ka leeyahay koobka yurub waxa uuna sheegay in Cayaartoy wanaagsan ay Garbihiisa ka dheeli doonaan kuwaas oo uu ka Magacaabay Renato Sanches, Andre Gomes iyo Rafa Silva kuwaas oo uu yiri Sanadkaan koobka waa ku qaadi karnaa hadaan Nahay Portugal.

Ugu dambayn Ronaldo ayaa sheegay in ay doonayaan in ay iska mayraan Ceebtii 2004 ee koobka yurub Gurigooda looga qaaday isna uu samayn doono sida uu doonayo Taariikh cusub waqti badana waan sii dheeli doonaa ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey Ronaldo.