Home » Ciyaaraha » Cristiano Ronaldo” Waxaan doonayaa in aan dalkeyga u qaado koobkii ugu horeeyey ee Caalami ah

Cristiano Ronaldo” Waxaan doonayaa in aan dalkeyga u qaado koobkii ugu horeeyey ee Caalami ah
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 14-06-16 5:38 AM

Xulka qaranka dalka Porugal iyo Xidiga Hogaamiya Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarinaya kulanka ugu horeeya koobka qaramada yurub 2016 kaas oo ay ladheeli doonaan dalka Iceland.

Cristiano Ronaldo ayaa dhawaan sheegay in uu doonayo in uu dalkiisa u qaado koobkii koowaad tan iyo Markii la bilaabay Cayaaraha kala duwan ee Caalamka waxaana Xidigaan uu dheeley Finalkii koobka yurub ee ugu dhawaa in ay qaadaan Sanadkii 2004 tii.

Cayaaryahanka Ronaldo oo koobka Horyaalada yurub kooxdiisa Real Madrid Waxaase hada uu doonayaa in uu dalkiisa u qaado koobka yurub 2016 isaga oo isku halaynaya sida uu sheegay Cayaartoy da yar oo u dheesha dalka dalkiisa Xiligaan.

Kulanka labada wadan ayaa bilaaban doona Caawa saacada Muqdisho Marka ay tahay 10-00 habeenimo waana kulan aad u adag.