Home » Ciyaaraha » Daafaca kooxda Man United iyo xulka Ingiriiska Chris Smalling oo loola cararay isbitaal ku yaala Bali kadib..

Daafaca kooxda Man United iyo xulka Ingiriiska Chris Smalling oo loola cararay isbitaal ku yaala Bali kadib..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-07-16 11:21 AM

Daafaca xulka Ingiriiska iyo kooxda Man United Chris Smalling ayaa la dhigay Isbitaal kadib markii uu ciyaaryahankan ku somoobay cunno uu cunay.

Muuqaal lagu soo bandhigay saxaafada ayaa muujinayey in ciyaaryahan Smalling uu jiifay mid kamid isbitaalada ku yaala Bali waxaana la arkayey Smalling oo ay madaxa, afka iyo gacantaba faashad ugu duuban tahay.

Daafacan ayaa u safray bariga qaarada Asia kadib markii ay xulkiisa England kasoo hareen koobka sida habsamida leh ugu socda dalka France ee Euro 2016 ka, waxa uuna halkaas ku joogaa fasax gaaban.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Chris Smalling halkaas uu horey ugu kaxeystay gacalisadii Sam Cooke, balse inantan ay jaceyl wadaaga yihiin ayaa ka dhawaajisay ineysan garaneyn waxa haleelay gacaliyaheeda Chris.

Dhalashada Smalling Smalling