Home » Ciyaaraha » Daaficii hore ee kooxda Arsenal Sol Campbell oo difaacay Macalinka Gunners ka xilli uu canaan kulul usoo jeediyey

Daaficii hore ee kooxda Arsenal Sol Campbell oo difaacay Macalinka Gunners ka xilli uu canaan kulul usoo jeediyey
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 1:59 PM

Daaficii hore ee kooxda Arsenal Sol Campbell ayaa difaacay macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger xilli uu ku tilmaamay inuu yahay macalin ku wanaagsan hogaaminta kooxda Gunners ka.

Mustaqbalka Arsene Wenger ayaa noqday mid ceel salkiisa kusii dhacayo tan iyo horaantii sanadkan xilli ay taageerayasha qaar ay codsadeen in kooxda laga ceyriyo macalin Wenger oo aan kooxda u qaaday Premier League mudo 12 sano ah.

Si kastaba ha ahaatee daaficii hore ee xulka Ingiriiska Sol Campbell ayaa aminsan inaan faraqa loogu shubin Arsene Wenger qarash ku filan oo uu kusoo dukaameysto, taas badalkeeda waxa uu qabaa Campbell in Wenger waqti iyo qarash la siiyo.

“Qof waliba waa inuu soo xusuustaa waxa uu Wenger u qabtay kooxda, dhamaan weynu wada jecel nahay inaan hanano Premier League iyo Champions League, balse hanashada koobabkaas waxa ay u baahan yihiin waqti iyo dulqaad”. Sol Campbell ayaa sidaas u sheegay Arsenal TV.

“Si wanaagsan ayuu maamulaa kooxda iyo qarashaadkeeda, bal fiiriya Man United waxa ay labo sano qarash gareysay 250 Milyan oo Ginni wax Premier League ahna kuma aysan guuleysan”.

“Ma’aha wax fudud dhamaan, Arsenal iyo Arsene wey ogyihiin in la joogo xilligii horey loo socon lahaa. dabiiciyan wey dhacdaa sidan oo kale maxaa yeelay koox taageero badan leh wax waliba ka filo”. ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in kooxda uu hogaamiyo Arsene Wenger ee Arsenal ay ku guuleysatay kaliya 2 koob 11 kii xilli ciyaareed aynu kasoo gudubnay.