Home » Ciyaaraha » Daawo Cadeymo muujinayo kooxda uu doonayo inuu ku biiro xidiga xulka Algeria iyo kooxda Bordeaux Adam Ouns

Daawo Cadeymo muujinayo kooxda uu doonayo inuu ku biiro xidiga xulka Algeria iyo kooxda Bordeaux Adam Ouns
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 19-06-16 1:39 PM

Taageerayaasha kooxda Man United ayaa u muuqda kuwa durba soo dhaweynayo xidiga 19 jirka ah ee u dhashay dalka Algeria garabkana ugu ciyaara kooxda Bordeaux Adam Ounas kaas oo la filayo inuu xagaagan kusoo biiro kooxda Manchester.

Ounas ayaa noqday ciyaaryahanka loogu hadal heysta badnaa todobaadkii aynu kasoo gudubnay xilli ay ceyrsi ugu jireen saxiixa kooxo kor u dhaafayo shan kooxood oo ka dhisan Yurub.

Wararka ayaa intaas kusii darayo in kooxaha Man United, Napoli, Stoke iyo Southampton ay wadaan qorshe ay 10 Milyan oo Euro kugula soo wareegayaan ciyaaryahankan wacdarada ka dhigayo Ligue 1 ka.

Wallow uu xidigan kasoo muuqday horyaalka Ligue 1 ka kulamo yar hadana waxa uu muujiyey inuu yahay garab duula xilli uu sidoo kale dhaliyey goolal xilli ciyaareedkii idlaaday.

Muuqaalo iyo sawiro muujinayo halka uu ciyaaryahankan kusii jeedo ayey maanta saxaafada soo bandhigeen iyada oo ay qaar kamid ah taageerayaasha united ka soo dhaweeyeen muuqaalada iyo sawirada lagu soo bandhigay Wargeysyada qaar.

Adam Ounas ayaa Boggiisa Twitter iyo midka Instagram kaba ka bilaabay inuu raaco kooxda Man United iyo qaar kamid ah ciyaaryahanada furaha u ah kooxdaas, arintaas ayaana ah cadeynta ku aadan in xidigan uu kusoo fool leeyahay gegida Old Trafford xagaagan sida 101 Great Goals lagu xardhay.

Anthony Martial, Bastian Schweinsteiger, Wayne Rooney iyo Marcus Rashford ayaa kamid ah xidigaha uu ku darsaday dadka uu raacay ciyaaryahankan reer Algeria.

Instagram Man United Twitter