Home » Ciyaaraha » Daawo Goos Gooska Messi oo Sadexleey ku Caawiyey dalkiisa isaga oo badal ku soo galay

Daawo Goos Gooska Messi oo Sadexleey ku Caawiyey dalkiisa isaga oo badal ku soo galay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-06-16 8:26 AM

Waxaa Goordhow soo dhamaaday Cayaartii u dhaxaysey Wadamada Argentina iyo Panama taas oo ka tirsanayd koobka qaarada America Waxaana dalka Argentina uu ku badiyey kulankaas 5-0.

Bandhiga Goolasha dalka Argentina Waxaa bilaabay daafaca Man City ee Nicolas Otamendi kaas oo 7 daqiiqaba Cayaarta ka dhigay 1-0 Waxaase Sadexleey dhaliyey Weeraryahanka Barcelona ee Lionel Messi kaas oo ka soo laabtay dhaawac dhabarka ah oo uu kaga maqnaa kulankii koowaad ee dalkiisa.

Goolka shanaad Waxaa dhaliyey Sergio Aguero Waxaana dalka Argentina ay Faraxad ka muujiyeen soo laabshada Messi sidoo kalana Xidigaan ayaa u muuqday mid Jawaab ka bixinayey hadalkii Maradona ee ahaa Messi malaha Hogaamin wanaagsan iyo shaqsiyad midna.