Home » Ciyaaraha » Daawo Sawirada Rabshado Xoogan oo ka dhacay Magaalada Marseille Markii ay isku dhaceen Taageerayaasha England iyo Booliska

Daawo Sawirada Rabshado Xoogan oo ka dhacay Magaalada Marseille Markii ay isku dhaceen Taageerayaasha England iyo Booliska
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 7:30 AM

Waxaa Magaalada Marseille ee dalka France Xalay ay u ahayd habeen kale oo Rabshado Xoogan hareeyeen ka dib Markii Taageerayaal Cabay khamri oo u dhashay dalka England ay ku banaanbaxeen ISIS iyaga oo lahaa kaalaya na Weerara Maxaad naga qaadi karaysaan.

Kadibna Waxa ay isku dhaceen Ciidamada Amaanka ee Magaladaas iyada oo Sunta dadka ka ilmeysiisa loo adeegsaday Taageerayaashii Rabshadaha Sameynayey halka qaarkood xabsiga loo dhaa dhiciyey.

Taageerayaasha dalka England ayaa lasheegay in Xalay oo dhan loo fasaxay in ay Cabi karayaan wixii ay doonaan ilaa Waagu ka baryo laakiin waxaa dhacay Rabshado aad u xoogan markii Booliska iyo Taageerayaasha dalka England ay isku dhaceen.

Magalaada Marseille ayaa dib u Xasuusatay Rabshadihii dhiiga badani ku daatay ee 1998 dii ka dhacay kadib markii 2 Maamlmood oo Xiriir ah ay ku dagaalamayeen Taageerayaal ka socdey dalka Tunisia iyo kuwa dalka England oo lagu tilmaamo in ay yihiin kuwa ugu dagaalka badan yurub oo dhan,

1 2 3 4  56 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26

Football hooligans  Football riots  Football violence