Home » Ciyaaraha » Daawo:- Wadan yurub ah oo Taariikhdiisa kulankii koowaad Guul ka Gaaray Kubada Cagta

Daawo:- Wadan yurub ah oo Taariikhdiisa kulankii koowaad Guul ka Gaaray Kubada Cagta
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 4-06-16 6:12 AM

Mid kamid ah wadamada qaarada yurub ayaa Xalay Gaaray guushiisii koowaad Kulan Caalami ah oo uu dheelo Waana dalka bishii aan soo dhaafnay FIFA aqoonsatay ee Kosovo.

Kosovo ayaa Waxa ay kabadiyeen Kulankoodii koowaad ee Caalami ah dalka kale ee Faroe Islands Waxayna kaga badiyeen 2-0 guushaas oo Kosovo u ah Mid Taariikhi ah.

Dalka Kosovo oo lagu ansixiyey in uu yahay dal ka mid ah FIFA kal fadhigii 66 aad ee bishii June lagu qabtay Mexico ayaa waxaa Goolasha u kala dhaliyey Cayaartoyda kala ah Albert Bunjaku iyo Elbasan Rashani Waxaana Xidigahaan ay Gali doonaan Buuga Taariikhda dalka Kosovo maadaama ay soo Hooyeen Guushii koowaad ee uu dalkoodu gaaray.