Home » Ciyaaraha » Dani Alves Oo Maalinta Isniinta Tijaabada Caafimaadka U Maraya Juventus Ka Dib Markii Uu Maanta Ku Laabtay Barcelona.

Dani Alves Oo Maalinta Isniinta Tijaabada Caafimaadka U Maraya Juventus Ka Dib Markii Uu Maanta Ku Laabtay Barcelona.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 18-06-16 7:00 PM

Dani Alves ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Turin oo uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Juventus maalinta isniinta ka dib markii ay Brazil xilli hore ka soo hartay Copa America.

Daaficii hore ee Barcelona ayaa dhaqangeliyay sharuud ku jirtay qandaraaskiisa kooxda taasoo u ogolaaneysay inuu kooxda si hor ah kaga tago sannad ka hor inta uusan qadraaaskiisa dhicin.

Waxa uu doonayay inuu qandaraas labo sannadood ah u saxiixo Juventus ka dib marka uu Copa America soo dhamaado.

 

Si kastaba, Brazil ayaa lagu soo reebay si lama filaan ah wareega group-yada Copa America.

Ka dib fasax gaaban uu qaatay, jariirada Catalan ka soo baxda ee Sport ayaa sheegeysa in Alves uu maantaba ku soo laabtay Barcelona si uu u dhameeyo saxiixyo warqado una macsalaameeyo kooxda.

Waxaa la filayaa inuu Turin tijaabada caafimaadka ugu maro Juventus maalinta isniinta.

Waxa uu ka dib saxiixi doonaa qandaraaska ka hor inta aanan saxaafada loo soo bandhigin.