Home » Ciyaaraha » Dani Alves oo talo u soo jeediyey xidiga ay isku xulka yihiin ee Philippe Coutinho xilli uu kula taliyey inuu ku …

Dani Alves oo talo u soo jeediyey xidiga ay isku xulka yihiin ee Philippe Coutinho xilli uu kula taliyey inuu ku …
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 5-06-16 9:27 AM

Garabka duulla ee xulka Brazil Dani ALves ayaa kula taliyey saaxiibkiisa ay xulka dalka Brazil ka wada tirsan yihiin ee Philippe Coutinho xilli uu ku booriyey inuu isaga soo hayaamo kooxda Liverpool uuna aado mid kamid ah kooxaha ugu awooda badan yurub.

23 sano jirkan ayaa ku raaxeysanayo waqtiga wanaagsan ee uu la qaadanayo kooxda Reds ka waxa uuna shabaqa soo taabtay 12 jeer dhamaan 38 kulan oo uu kasoo muuqday gegida Anfield xilli ciyaareedkii aynu kasoo gudubnay.

Wallow uu xidigan dhawaan heshiis cusub uu qalinka ugu duugay kooxda Reds ka kaas oo dhacayo xagaaga 2020 ka hadana waxaa isa soo tarayey dhawaanahan warar sheegayey inuu isaga hayaami doono gegida Anfield xilli si ba’an loola xiriirinayo kooxda ka dhisan caasimada dalka France ee PSG.

“Kubada cagta waa sidii nolosha oo kale” Dani Alves ayaa sidaas u sheegay Yahoo SPorts, “Liverpool waa koox taariikh weyn leh balse waa in la texgeliyo waxa dhacayo waqti xaadirkan waa inaad raadsataa koox si joogta ah ugu ciyaarta Champions League waa inuu aadaa koox sida Barcelona oo kale ah”.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Dani Alves uu ka hayaamayo gegida Camp Nou xilli uu halkaas ku qaatay sideed sanadood.