Home » Ciyaaraha » David de Gea oo u laab qaboojiyey Taageerayaasha Man United+Sawiro

David de Gea oo u laab qaboojiyey Taageerayaasha Man United+Sawiro
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 9:21 PM

Goolhayaha Naadiga Manchester United David de Gea ayaa ka farxiyey Tageerayaashii wel welsanaa ee Naadigiisa ka dib markii uu Goordhow shaaciyey in uusan Katagi doonin Man United.

David de Gea” Waxaan doonayaan in aan ka hoos shaqeeyo Macalinka Guulaha ee Jose Mourinho kuna Guuleysto bilado badan iyo koobab aan u qaado kooxdeyda Marka waxaan Xaqiijinayaan in Xiliyada soo aadan aan ahaan doono Cayaaryahan Man United ah sidaa waxa uu u sheegay Daily Mail.

Cayaaryahanka Xulka dalka Spain ayaa aaminsan in Jose Mourinho uu koobab Muhiim ah u qaadi doono kooxdiisa sidaa daraadeed ayuu u doonayaa in uu lashaqeeyo oo uusan ku biirin Real Madrid oo dooneysa.

Hadalka Xidiga dalka Spain ayaa waxaa soo dhaweeyey Taageerayaal aad u badan oo Manchester United ah waayo waxaa aad u dhibay Hadalo ay beryahaan daabacayeen Warbaahubta qaarkeed oo ahaa in uu Macasalaameyn doono kooxdiisa kuna biiri doono Real Madrid.