Home » Ciyaaraha » DEG DEG: dalka Uruguay oo laga reebay Copa America

DEG DEG: dalka Uruguay oo laga reebay Copa America
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-06-16 7:21 AM

Xulka qaranka dalka Uruguay ayaa gebi haan isaga haray Copa America ka dib markii uu Garaacay dalka Venezuela oo kaga badiyey 1-0.

Dalka Uruguay oo ka mid ahaa Wadamadii loo Saadaalinayey koobkaan ayaa Waxaa laga badiyey labadii kulan ee uu dheeley sidaa daraadeed Way Macasalaameyn doonaan koobkaas oo Xiligaan lagu qabanayo dalka Maraykanka.

Haritaanka koobkaan ee dalka Uruguay ayaa waxa ay sharaf dhac ku tahay Xidigo waa weyn oo dalkaas u dhashay oo ka dheela qaarada yurub in kastoo Weeraryaahnka Barcelona ee Lusia Suarez uu dhaawac ku seegay labadii Cayaarood ee laga badiyey dalkiisa.