Home » Ciyaaraha » Deg Deg: Kooxda Arsenal oo si rasmi ah ula soo wareegtay weeraryahanka reer Japan

Deg Deg: Kooxda Arsenal oo si rasmi ah ula soo wareegtay weeraryahanka reer Japan
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-07-16 10:48 AM

Kooxda Arsenal ayaa saxiixa weeraryahanka reer Japan ee Takuma Asano kala heshiisay kooxdiisa Sanfrecce Hiroshima ee ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee wadankaas.

21-jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa usoo dhaqaaqi doona kooxda ka dhisan waqooyiga London, balse waxaa dhameystirka heshiisak ay ku xirnaan doontaa inuu ka gudbo tijaabada caafimaad iyo inuu helo warqadda cadeynta dhalashada.

Macalinka Gunners Arsene Wenger ayaa ka hadlay tayada xidigaan: “Takuma waa xirfadle dabiici ah oo dhanka weerarka ka ciyaara wuxuuna leeyahay mustaqbal wanaagsan. si wanaagsan ayuu ku bilowday waayahiisa Japan, waxaana eegi doonaa inuu hormar sameeyo sanadaha soo aadan”

Sidoo kale Arsenal ayaa website-keeda rasmiga ah ku xaqiijisay iney arinta xidigaan kala heshiiyeen kooxdiisa isla markaana maalmaha soo aadan la dhameytiri doono saxiixiisa.

Takumo