Home » Ciyaaraha » Deg Deg: Kooxda Difaacaneysa EPL-ka Ee Leicester City Oo Lasoo Saxiixatay Xidigii Badali Lahaa N’Golo Kante

Deg Deg: Kooxda Difaacaneysa EPL-ka Ee Leicester City Oo Lasoo Saxiixatay Xidigii Badali Lahaa N’Golo Kante
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-07-16 11:05 AM

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League-ga ayaa sameysay saxiixii sadexaad ee xagaagan kadib markii ay dhameystirtay saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda Nice Nampalys Mendy.

24-jirkaan heerka caalami ayaa Foxes u saxiixay heshiis afar sano ah inkastoo ansixinta heshiiskiisa ay ka dhiman tahay kaliya inuu ogolaansho ka helo xiriirka FA-ga iyo Premier League-ga.

Nampalys Mendy wuxuu kasoo hoos ciyaaray Claudio Renieri waqtigii As Monaco, haatanna dib ayuu ula midoobaya waxaana kooxda kaga soo horeeyay ciyaartoyda kala ah: Ron-Robert Zieler iyo Luis Hernandez.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaado Leicester City. kooxda haatan waxey ku raaxeysatay xilli ciyaareed weyn. weyna ii wanaagsan tahay inaan halkaan imaado” Ayuu Mendy u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Aniga ahaan waxaan doonayaa inaan ciyaaro heerkaan. waan ka helaa Premier League-ga waana daawadaa kulan walba. waa horyaal xawareer leh awoodna leh. waxaan doonayaa inaan nafteyda ku qasbo sidaas”

“Waan aqaanaa tababaraha, waan aqaan maskaxdiisa, waana aqaan falsafadiisa. marka uu kula hadlaayo si toos ah ayuu kuula hadlayaa oo cad anigana waanba jeclahay sidaas”

Ugu dambeyntiina Nampalys Mendy ayaa badal u noqon doona N’Golo Kante oo la rumeysan yahay inuu isaga tagi doono garoonka King Power Stadium xagaagan.