Home » Ciyaaraha » DEG DEG: Marc Bartra oo la Xaqiijiyey in uu ku biirey Naadi Weyn oo Jarmalka ka dheela

DEG DEG: Marc Bartra oo la Xaqiijiyey in uu ku biirey Naadi Weyn oo Jarmalka ka dheela
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-06-16 9:15 PM

War iminka soo dhacay ayaa sheegay in daafaca dalka Sapian iyo Naadiga Barcelona Marc Bartra oo ka dhaqaaqay kooxdiisa isaga oo ku biirey Naadiga dalka Jarmalka ee Borussia Dortmund.

War Saxaafadeed Goordhow ka soo baxay barcelona ayaa lagu yiri Waxaan cadaynaynaa in Cayaaryahan Marc Bartra uu 14 Sano kadib katagay Barcelona kuna biirey Naadiga Borussia Dortmund oo ka dheesha Horyaalka dalka Jarmalka.

Borussia Dortmund ayaa dhankeeda Xaqiijisey in ay heshiis 4 Sano ah lagaareen daafaca dalka Spain iyo Barcelona Marc Bartra kaas oo Saxiixay qandaraas dhacaya Sanadka 2020 ka.

Lama Cadayn Lacagta lagu kala iibsaday Xidigaan waxaase lahubaa in uu raacay Wadadii uu Barcelona kaga tagay daafaca Braziil ee Dani Alves sidoo kale Waxaa la leeyahay waxaa ku soo xiga daafaca kale ee Javier Mascherano.

3039372_heroa