Home » Ciyaaraha » Deg Deg: Mikel Arteta oo ka fariistay gabi ahaanba ka ciyaarista kubadda cagta xilli uu u weecday..

Deg Deg: Mikel Arteta oo ka fariistay gabi ahaanba ka ciyaarista kubadda cagta xilli uu u weecday..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-07-16 11:48 AM

Kabtankii hore ee Arsenal Mikel Arteta, ayaa xaqiijiyay inuu ka fariistay kubada cagta, kor inta uusan door tababare ka qaban kooxda Manchester City .

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa la shaqeyn doona tababaraha Manchester City Pep Guardiola, kasoo tan iyo markii loo magcaabay shaqada City xiriir la lahaa ciyaaryahanka

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kulankiisii ugu danbeyay kubada cagta saftay kaliya labo daqiiqo, xilli ciyaareedkii 2015-16 –

xilli ciyaareedkii Hore Arteta ayaa u saftay kaliya Sagaal kulan kooxda Arsenal, waxaana uu inta badan wajahay dhawacyo joogta ahaa,

Xiddigii hore ee Spain ayaa xaqiijiyay in uu mustaqbalkiisa ciyaareed inta ka dhiman la shaqeyn doono macalin Guardiola, isagoo door tababare ka qaadan doona garoonka Etihad Stadium xilli ee soo socda.

“Waxaan xaqiijin karaa inaan ka tagay Arsenal oo aan ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta, waxaan la shaqeyn doonaa Manchester City,” ayuu ku yiri hadal uu soo dhigay Twitter.