Home » Ciyaaraha » Deg Deg Tababare Roy Hogdson Oo Iska Dhiibay Hogaanka Xulka England!

Deg Deg Tababare Roy Hogdson Oo Iska Dhiibay Hogaanka Xulka England!
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 28-06-16 6:09 AM

Tababaraha xulka England Roy Hodgson iskuma daahini jagada xulka England madaama uu si deg deg ah u dhiibay kadib guul daradii naxdinta ahayd oo ay England xulka Iceland kala kulmeen.

Hodgson iyo xidigahiisa waxaa 2-1 guul daro ah dhabarka u saariyeen xulka Iceland sidoo kalena waxaa lagu reebay wareega 16-aad ee tartanka Qaramada Yurub.

Hadaba Macalin Hodgson shir jaraa’id ayuu si deg deg ah u qabtay kuna cadeeyay inuu xilka iska dhiibay wuxuuna yiri “Arimahan oo kale wey dhacaan, waxaana rajeynaa in xulka England sida ugu dhaqsiyaha badan aan ku aragno ayagoo Final joogaan tartan caalami ah”

Macalin Hodgson hadal badan masii galin wuxuu cadeeyay inuu hogaanka xulka England iska dhiibay sidoo kalena saxaafada wuu ka diiday inay su’aalo weydiiyaan.

Sidoo kale la taliyaayaashii macalin Roy Hodgson ee dhanka xulka England sida Gary Neville iyo Ray Lewington iyagana xilkii ay xulka England ka haayeen wey iska casileen.