Home » Ciyaaraha » DIB USOO CELIN: Macalin Jurgen Klopp oo kusoo celin doona garoonka Anfield Halyeeyga Liverpool Pepe Reina

DIB USOO CELIN: Macalin Jurgen Klopp oo kusoo celin doona garoonka Anfield Halyeeyga Liverpool Pepe Reina
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 1-06-16 7:18 AM

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa isku diyaarinaya inuu lasoo wareego halyeeyga Reds Pepe Reina.

goolhayaha reer Spain, oo 33 jir ah, ayaa hadda u ciyaara kooxda Serie A, Napoli – oo kaalinta labaad ee Serie A ee ku dhameysatay 2015-16.

Reina wuxuu ahaa goolhayihii No1 ee Anfield ku dhowaad toban sano intii u dhaxaysa 2005 iyo 2014, waxaana uu saftay 285 kulan oo Premier League ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u wareegay kooxda Bundesliga ee Bayern Munich 2014, halkaasoo uu ka ciyaaray  saddex kulan xilli ciyaareedkan oo dhan.

Reina  ayaa markaas u dhaqaaqay kooxda Serie A, halkaas oo uu kusugnaa tababarihii hore ee Liverpool Rafael Benitez.

Ka dib markii 37 ka mid ah 38 kulan oo kooxda ka dhisan Naples saftay- Tababaraha Jarmal Kop Klopp waxaa uu isha ku hayaa inuu soo celiyo sida laga soo xigtay Corriere dello Sport.