Home » Ciyaaraha » Dimitri Payet oo digniin culus usoo jeediyey xulka dalkiisa France xilli uu kaga digay iney sameeyaan sidii ay…

Dimitri Payet oo digniin culus usoo jeediyey xulka dalkiisa France xilli uu kaga digay iney sameeyaan sidii ay…
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-06-16 12:46 PM

Weeraryahanka xulka dalka France Dimitri Payet ayaa ugu yeeray ciyaaryahanada xulka dalkiisa iney ka fogaadaan dhamaad naxdin leh kadib bilow wanaagsan ey ku bilowdeen koobka Euro 2016 ka lagu qabanayo dalkooda.

France ayaa guul gaartay kulankeedii labaad ee xiriir ah, wallow ay xulka France dhaliyeen labo gool oo soo daahday kulankii xalay ay la ciyaareen dalka Albania, Payet iyo Griezmann ayaana u saxiixay goolashaas soo daahay xulka lagu naaneeso Les Bleus.

29 Sano jirkan oo la hadlayey website ka rasmiga ah ee kooxdiisa West Ham ayaa yiri “Waxaan isku dayi doonaa inaan hakino Siinaariyooyinkan waalan ee kuwan oo kale ah, hadii eynu galno ciyaarta sidii aynu sameeyney qeybtii labaad oo kale, goolal waan dhalin karnay oo ciyaarta wan soo gaba gabeyn karnay goor hore”.

“Qeybtii hore ee ciyaarta xulka dhigeena ah waxa ay ahaayeen kuwa faresh ah oo xertay gooshooda, waxa ay inoo diideen inta badan inaan gaarno goolkooda, soo galistii Paul Pogba iyo Antoine Griezmann waxa ay keentay isbadal, waayo ciyaarta ayey ka dhigeen mid furan”.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in xulka France ay kaalinta sare ku dhameysan karaan hadii ay ugu yaraan dhibic ka helaan xulka ay la madlan yihiin ciyaarta ugu dambeysa wareega Group yada ee Switzerland taas oo la dheeli doonaan maalinimada axada ah ee ina soo aadan.