Home » Ciyaaraha » Don Ronaldo oo si arxan daro ah loo fadeexeystay xilli caalamka oo idil ay kusoo jeesteen

Don Ronaldo oo si arxan daro ah loo fadeexeystay xilli caalamka oo idil ay kusoo jeesteen
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 15-06-16 5:14 PM

Cristiano Ronaldo xaqiiqdii ma uusan caawin nafsaddiisa, miyeysan aheyn?

Sababtuna waxay tahay xulka Iceland, oo dadka ku nool lagu qiyaasay 330 kun ayaa xulkiisa qaranka Portugal ka horjoogsaday inay guul ku bilowdaan tartanka Euro 2016, Iceland oo markii ugu horreysay taariikhda ciyaareysay Koobka Qaramada Qaaradda Yurub ayaa barbardhac taariikhi ah oo 1-1 ah kasoo heshay kulankii ay wajahday Portugal oo ka mid ah xulalka ugu cadcad hanashada tartankaan.

Ronaldo ayaana doortay inuu weerar ku qaado xulkaan yar ee intaas oo dadaal ah sameeyey si ay barbardhacaan taariikhiga ah u helaan, wuxuuna su’aal ka keenay qaabkii ay u dabaaldegeen dhammaadkii ciyaarta taasoo uu ku tilmaamay hammi yari maadaama ay u muuqdeen sida xul ku guuleystay tartanka.

“Iceland keliya waxay isku deyeysay inay difaactanto… Laba fursadood ayey heleen ka dibna iskuma deyin inay gool dhaliyaan,” ayuu yiri kabtanka xulka Portugal Ronaldo, oo malaha iloobay inay kooxdiisa Real Madrid sidaan oo kale u ciyaarto kulanka El Clasico marka ay wajahdo Barcelona, isla markaana aan soo xusuusan in sannadahaan dambe aan la isku dhaleeceyn siyaasadda difaacashada maadaama keliya natiijo wanaagsan la raadiyo sidii loo helaba.

“Waxay u dabaaldegeen sida inay ku guuleysteen Euro 2016 ama wax la mid ah. Taasna waa hammi yari. Taasna waa sababta aysan waxba uga sameyn doonin tartankaan.”

Taasi malaha ceeb ayey ku tahay Cristiano! Bedelkii uu dhaleeceyn lahaa Iceland oo ah dal iska yar isagoo ku eedeynaya inay ciyaartay siyaasad aan dan u aheyn kubadda cagta, xiddiga Real Madrid ayey malaha aheyd inuu wax ka sheego qaabka aan hammiga weyn ku jirin ee ay xulkiisa Portugal ugu bilowdeen tartankaan.

Intaas oo dhan ka dib, shabakadda Whoscored.com ayaa soo uruurisay xog sheegeysa inuu Ronaldo isku deyey 10 ka mid ah 24 darbo oo ay shabaqa ku abaareen xulka Portugal, taasoo la micno ah inuu Ronaldo haatan isku deyey dabrooyin ka badan inta ay gameen sagaal ka mid ah 24 xulka xul ee ka qeybqaadanaya Euro 2016.

David Wall oo ka mid ah qoreyaasha shabakadda uruurista xogta kubadda cagta ayaana malaha maqlay hadalka Ronaldo wuxuuna isku deyey inuu aamusiyo xiddigaan isagoo ku eedeynaya inuu ku guuldarreystay inuu laadad xor ah ka dhaliyo tartamada caalamiga ah. Xaqiiqda ayaana ah inuu 31 sanno jirkaani gamay 34 darbo oo laad xor ah intii uu ciyaarayey tartamada caalamiga ah laakiin waa uu ku guuldarreystay inuu dhaliyo xitaa mid ka mid ah.

Waana sabab kuu muujineysa sida ay tahay inuu xiddigii hore ee Manchester United isaga casilo waajibka tuurista laadadka xorta ah ee xulkiisa, sidoo kale waa sabab muujineysa inuu ka wanaagsan yahay kabtanka Argentina Lionel Messi kaasoo goolal laad xor ah ka dhaliyey Coppa America iyo Koobka Adduunka.