Home » Ciyaaraha » England 2:1 Wales: Vardy & Sturridge Oo Kaydka Ka Soo Kacay Si Ay Wales U Ugaadhsadaan, Gareth Bale Oo Gool Cajiib Ah Dhaliyay Balse Wales Guuldaro Ka Badbaadin Waayay

England 2:1 Wales: Vardy & Sturridge Oo Kaydka Ka Soo Kacay Si Ay Wales U Ugaadhsadaan, Gareth Bale Oo Gool Cajiib Ah Dhaliyay Balse Wales Guuldaro Ka Badbaadin Waayay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-06-16 8:19 PM

Xulka qaranka England ayaa guul soo laabsho ah ka gadhay dariskooda Wales, inksata oo uu Gareth Bale gool cajiib ah uu Wales hogaanka ugu dhiibay qaybtii hore, haddana Jamie Vardy iyo Daniel Sturridge oo kaydka ka soo kacay ayaa noqday geesiyada saddexda libaax waxayna England ka caawiyeen in ay hogaanka u qabtaan Group B. England ayaa laba kulan ka heshay afar dhibcood halka Slovakia iyo Wales ay min laba kulan ka urursadeen min saddex dhibcood waxaana ugu hooseeya xulka qaranka Russia oo leh hal dhibic.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN

ENGLAND: Hart; Walker, Cahill, Smalling, Rose; Dier, Rooney, Alli; Lallana, Sterling iyo  Kane,

KAYDKA: Milner, Vardy, Clyne, Forster, Henderson, Sturridge, Stones, Wilshere, Barkley, Bertrand, Rashford, Heaton.

WALES: Hennessey, Gunter, Chester, Williams (c), Taylor, Davies, Ledley, Ramsey, Allen, Robson-Kanu, Bale

KAYDKA: Fon Williams, King, George Williams, Edwards, Richards, Cotterill, Vokes, Collins, Jonathan Williams, Vaughan, Church, Ward England

Labada xul qaran ayaa ciyaarta ku bilawday dardar aad u fiican iyo xamaasad cajiib ah. Waxaa labada xul qaran ka soo muuqday xidigo si wayn isku fahmaya isla markaana inta badan Premier leaque-ga isku soo bartay, laakiin iyada oo England guul u baahnayd si ay hamigeeda sare ugu qaado ayay markiiba doonayeen in ay dhibaato ku sababaan Wales.

England ayaa qaybta hore ee kulankan soo badhigtay qaab ciyaareed aad u fiican basle waxay dhibaato ka haysatay dhinaca weerarka iyo dhamaystirka waxayna inta badan ahaayeen xulka qaranka goolka furitaanka laga filan karayay. Daqiiqadii 7 aad ee England ayaa heshay fursadii ugu horaysay ee gool lagu dhalin karayay ee kulankan, waxaana kubbad fiican dhinaca midig ka soo karoosay Adam Lallana, laakiin Raheem Sterling oo goolka Wales u jiray 6 yards isla markaana goolka u furnaa ayaa kubbada cirka u diray. Alla maxay fursad ahayd!. 

Wales ayaa weeraro deg deg ah oo rogaal celis ah ku raadinaysay goolka furitaanka basle difaaca England ayaa u muuqday kuwo aan dhibaato badan kala kulmayn weerarka Wales, waxayna ciyaartu noqotay mid xiiso badan isla markaana ay xamaasadu sii kordhayso. Gary Cahil iyo Chris Smalling ayaa fursado fiican helay basle waxay ku guulaysan waayeen in ay England fursadahan uga faa’iideeyaan. 

Daqiiqadii 32 aad England ayaa u muuqatay in ay heshay rekoodhe kadib markii uu difaaca Wales ee Davies uu gacanta ku celiyay kubbad goolka Wales ku socotay iyada oo Raheem Sterling uu soo kala jeediyay difaacyada Wales laakiin garsooraha ayaan waxba tilmamain inkasta oo ay cadaan ahayd in Davies uu kubbada gacanta ku celiyay.

DAQIIQADII 42 aad xulka qaranka Wales ayaa helay goolka furitaanka kadib markii uu Gareth Bale indha ku xaday gool LAYAABLEH oo uu ku dhaliyay laaga xorta ah, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Wales hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Iyada oo England laga filayo goolka furitaanka ayuu Gareth Bale noqoday geesiga Wales hogaanka ugu dhiibay goolkan cajiib ah wuxuuna ka dhaliyay meel aad uga fogaday kooxda England. Bale ayaa si xoogan u soo tuuray darbadiisa wuxuuna si fiican u dulmarayay ciyaartoyda safka taagnaa laakiin inkasta oo uu Joe Hart marka hore sameeyay badbaadin kubbada uu joojiyay ayaa shabiqiisa gashay. 

England ayaa iska lumisay fursado fiican oo ay hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay balse Gareth Bale ayaa ku ciqaabay waxayna dhaafi kari waayeen Wales oo inta badan difaac adag soo gashay isla markaana weerar deg deg ah soo qaadaysay marka ay kubbada hesho.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Wales hogaanka ku haysay balse ay England ahayd kooxda inta ugu badan kubbada haystay isla markaana fursadaha ugu badan iska lumisay, waxaana lays waydiinayay in England ay ka soo kabsan karto goolka looga hormaray qaybta hore?. 

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta tababare Roy Hodgson ayaa shaxdiisa isbadal ku soo sameeyay wuxuuna kaydka uga yeedhay Daniel Sturridge iyo jamie Vardy wuxuuna ciyaarta ka saaray Raheem Sterling iyo Harry Kane oo qaybta hore ku fashilmay in saddexda libaax guul u soo hooyaan. 

England ayaa markale ciyaarta si fiican ku bilaabtay waxayna dagaal ugu jirtay sidii ay marka hore iskaga soo celin lahayd goolka qaybtii hore looga hor maray waxayna bilawday in ay fursado fiican abuurto. Daqiiqadii 54 aad Wayne Rooney ayaa aad ugu dhawaaday in uu goolka barbaraha u keeno England kadib markii uu darbo fiican ku tuuray goolka Wales laakiin goolhaye Hennessey ayaa dirqi halsita iskaga saaray. 

DAQIIQADII 56 aad England ayaa la timid goolka barbaraha iyada oo saamayntii badalka Roy Hodgson ay markiiba midho dhashay waxaana England goolkan u keenay Jamie Vardy kaas oo ka faa’iidaystay qalad wayn oo uu sameeyay difaaca Wales ee  Williams kaas Vardy hadiyad u siiyay goolkan, Vardy ayaan wax qalad ah samayn wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1.

Xidigaha Wales ayaa ku dooday in Jamie Vardy uu offside ku jiray basle garsooraha ayaa sameeyay go’aan sax ah maadaamo oo uu kubbada soo celiyay Willliams, ciyaarta ayaa markale noqotay mid sii shidantay isla markaana ay xamaasadu gadhay halkii ugu saraysay. 

Waqti yar kadib goolka Jamie Vardy markale Danie Sturridge ayaa natiijada ciyaarta dhinaca kale u dhigi gadhay kadib markii uu helay fursad halis ahayd oo gool lagu dhalin karay laakiin xidiga Reds ayaa awoodi waayay in uu fursadn ka faa’iideeyo.

England ayaa markan si wayn u baadi goobaysay goolka guusha iyada oo Roy Hodgson uu badalkiisii ugu danbeeyay ka dhigay Rashford kaas oo uu ku soo badalay Adam Lallana, waxaana lays waydiinayay in Rashford uu markale taariikh abuuri karo.

Ciyaarta ayaa noqotay mid aad u adag, laakiin England ayaan marnaba is dhiibin waxayna ilaa dhamaadkii ciyaarta ay raadinayeen goolka guusha. Daqiiqadii 92 aad ee dhamaadkii ciyaarta Daniel Sturridge ayaa markiisa indhaha xaday kadib markii uu Wales dhulka dhigay isla markaana uu England udhaliyay goolka guusha ee quluubta England soo nooleeyay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay England markeeda hogaanka kula wareegtay.

Tababare Roy Hodgson ayaa qaybtii dande sameeyay go’aan fiican isaga oo Vardy iyo Sturridge soo raaciyay waqtigii nashada taas oo England ka caawiysay in ay dhinaca kale u dhigaan natiijadii 1:0 ka ahayd ee qaybta hore hogaanka looga hayay. Waxayna ciyaartu ku dhamaaday 2:1 ay Egland ku garaacday Wales oo gool kaga hormartay. England ayaa 4 dhibcood hogaanka ugu qabtay Group B, waxaana min saddex dhibcood leh Wales iyo Slovakia,Halkaan Laacibtv.net ka daawo goolasha