Home » Ciyaaraha » EURO 2016: Gerard Pique Oo Ka Caawiyey Spain Inay Guul Jilbo Murux Ah Ku Furato Koobka Ay Difaacaneyso

EURO 2016: Gerard Pique Oo Ka Caawiyey Spain Inay Guul Jilbo Murux Ah Ku Furato Koobka Ay Difaacaneyso
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 8:37 PM

Xulka Difaacanaya Koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Spain ayaa guul ku bilowday tartanka Euro 2016 ka dib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka Czech Republic ciyaartii ka tirsaneyd Group D ee ka dhacday magaalada Toulouse ee dalka Franc, iyagoo ka mahdinaya gool soo daahay oo uu u dhaliyey Gerard Pique.

Dhowr fursadood ayaa soo maray xulka tartanka difaacanaya ee Spain oo ay hogaanka ciyaarta ku qaban kareen bilowgii qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin goolhaye Petr Cech ayey dhaafi waayeen.

Mid ka mid ah afar fursadood oo ay Isbaanishku gool u bedeli kareen waxay soo martay daqiiqadii 16aad, iyadoo daafaca dambeedka midig ee kooxda Atletico Madrid Spain uu kubad cajiib ah u dhiibay David Silva, kaasoo kubadda karoos hoose ugu sii xaday gooldhaliye Alvaro Morata laakiin darbadii xiddiga Juventus ayaa waxay si toos ah gacanta ugu gashay goolhaye Cech.

Morata iyo Cech ayaa markale iska horyimid daqiiqadii 29aad, markale goolhayaha kooxda Arsenal ayaa u ka horjoogsaday Morata inuu shabaqa gaarsiiyo darbo joog hoose ah. Spain ayaana halkaas isaga qasaarisay laba fursadood oo ay hogaan laba gool ah ku keensan kareen.

Shantii daqiiqo ee ugu dambeysay qeybtii hore ee ciyaarta ayaa seddax fursadood soo martay labadaan xul, daqiiqadii 40aad goolhayaha xulka Czech Republic Cech ayaa markale Jordi Alba u diiday inuu hogaanka u dhiibo Spain oo ciyaartaan oo dhan maamuleysay. Daqiiqad ka dibna fursad nuucaas oo kale ah ayuu ka badbaadiyey kubadsameeyaha xulka Spain Silva.