Home » Ciyaaraha » EURO 2016: Gool Soo Daahay Oo Uu Dhaliyey Eder Oo Italy Ka Caawiyey Inay Usoo Baxdo Wareega 16ka Tartankaan

EURO 2016: Gool Soo Daahay Oo Uu Dhaliyey Eder Oo Italy Ka Caawiyey Inay Usoo Baxdo Wareega 16ka Tartankaan
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 17-06-16 6:46 PM

Italy ayaa usoo baxay wareega 16ka tartanka Euro 2016 ka dib markii ay guul 1-0 ah ka gaareen xulka Sweden ciyaar ka dhacday magaalada Toulouse ee dalka France.

Italy ayaa guuldarrooyin ugu qubeysay xulalka Belgium iyo Sweden, oo u baahneyd natiijo wanaagsan ka dib barbardhicii ay la gashay xulka Republic of Ireland, si ay ugu soo baxdo wareega bugbaxda ee tartankaan.

Si kastaba ha ahaatee, 45tii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaartaan wax gool ah iskama dhalin labadaan xul mana jirin fursado la taaban karo oo soo maray labada dhinac maadaama xul kasta uu difaac adag soo bandhigay.

Ciyaarta ayaana u muuqatay inay natiijadaas ku dhammaaneyso, laakiin iyadoo laba daqiiqo ay ka harsan tahay Simone Zaza ayaa kubad uu fooro gacan kasoo tuuray Giorgio Chiellini wuxuu u baasay gooldhaliyaha kooxda Inter Milan Eder kaasoo dhaafay dhowr difaac ka hor inta uusan shabaqa dhexdhigin kubaddaas oo uu kasoo laaday meel 20 yards shabaqa u jirta.

Italy ayaana sidaasi ku noqotay xulkii ugu horreeyey ee xaqiijiya booskooda wareega 16ka Koobka Qaramada Qaaradda Yurub.