Home » Ciyaaraha » EURO 2016, HORUDHACA: Croatia vs Portugal – Cristiano Ronaldo Oo U Baahan Hal Gool Caawa Si uu Rikoor U Jabiyo

EURO 2016, HORUDHACA: Croatia vs Portugal – Cristiano Ronaldo Oo U Baahan Hal Gool Caawa Si uu Rikoor U Jabiyo
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 25-06-16 7:11 AM

Cristiano Ronaldo ayaa ku taageeray xulkiisa Portugal in ay kusoo baxaan farqiga goolasha, iyagoo caawa wajahaya Croatia kulan ka dhici doona magaalada Lens.

Ronaldo, oo 31 jir ah, ayaa qaab ciyaareed wanaagsan sameeyay kulankii Hungary ee Arbacadii ka dib markii uu qaab xun ku bilaawday, waxa uu dhaliyay labo gool isagoo midkale caawiyey markasoo xulkiisa barbaro 3-3 la galeen Hungary.

Nani ayaa aaminsan in saaxiibkiisa xulka Ronaldo uu masuul ka noqon karo Portugal in ay garaan quarter-finalka tartanka Euro 2016-ka.

“Qof walba waa ogyahay in Cristiano sameyn karo wakhti kasta isbedel weyn, daqiiqad kasta oo ciyaarta ah waxa uu yahay mid laga baqo.

Anigu waxaan ahay 100% mid hubaa inuu noqon doono ninka ugu goolasha badan tartanka,” ayuu yiri Nani.

Cristiano Ronaldo scored twice in the 3-3 draw with Hungary

Croatia ayaa 2-1 waxa ay kaga badiyeen Spain talaadadii ,iyagoo xaqiijistay booskooda wareega 16 ka, waxaana ay haatan raadinayaa in ay gaaraan quarter-finals tartanka markii ugu horeysay.

Tababaraha xulka Croatia Ante Cacic, ayaa dareensan in xulkiisa wajihi doona dhibaato badan,laakiin waxa uu ku kalsoon yahay in ay joojin karaan Ronaldo.

“Marka marxaladdan oo kale tartanka marayo, majiro wax sahlan,waxaan ognahay kaliya in ay ubahan tahay Croatia guul.

Waxaan ixtiraam u heynaa Portugal, laakiin waxa aanu rumaysanahay in tayada ugu badan aan leenahay kulanka, ayuu hadalkiisa raaciyay macalinka Croatia Ante Cacic.”

Luka Modric's fitness is still a doubt for Croatia

Kulanka: Croatia v Portugal

Garoonka: Stade Bollaert-Delelis

Saacada: 10: 00 PM

Maxaa Ka Cusub Labada xul

Luka Modric aya kusoo noqon doona xulkiisa Croatia, kadib markii la nasiyay kulankii Spain, isagoo dhaawac looga saaray kulankii Czech Republic, waxaana uu ka hor imaan doonaa saaxiibkiisa kooxda Real Madrid Ronaldo.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada caafimaad ee Mario Mandzukic ayaan la garaneyn, iyadoo Nikola Kalinic oo qaab ciyaareed wanaagsan ka sameeyay kulankii Spain uu kusoo bilaaban doono, waxa uu dhaliyay  mid kamid ah goolashaii kulankaasi.

Croatia ayaa heysta sideed ciyaaryahan oo ganaax hal jaale ujira, waxa ay kala yihiin Milan Badelj, Marcelo Brozovic, Ivan Strinic, Domagoj Vida, Ivan Perisic, Marko Rog, Darijo Srna, Sime Vrsaljko – halka Portugal ay leeyihiin laba ciyaaryahan oo kala ah Pepe iyo Ricardo Quaresma.

Daafaca Raphael Guerreiro ayaa shaki uu ku jiraa in Portugal uu u ciyaaro, taasoo la micno ah in Eliseu uu kusoo bilaawdo safka hore markale.

Xogta Labada xul

Portugal ayaa badisay dhamaan saddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajaheen xulka Croatia, iyagoo dhaliyay lix gool waxba lagama dhalin

Kulankoodii hore ee tartan weyn wuxuu ku dhamaatay 3-0 ,Portugal ayaana ku badiyay wareega group-yada Euro ’96.

Croatia ayaan laga badinin 10- kii  ee ugu dambeeyay  (W8 D2), waana rikoorka ugu dheer dhanka guulaha xulka heysta dhaman xulalka ka qeyb galaya Euro 2016.

Ivan Perisic wheels away in celebration after scoring the winner against Spain

waa markii labaad ee Croatia ku dhameysataan kaalinta koowaad ee group-kooda tartanka weyn ka dib Euro 2008 – inkastoo rigoorayaal ay kusoo reebeen Turkey quarter-finals.

Croatia ayaa kaliya ku guuleystay inay shabaqa ilashadaan mid kamid ah 12kii kulan ee ugu danbeyay tartanka Euro, waxa ay ahayd markaasi ciyaar Spain ay ku wajaheen sanadkii 2012.

Portugal ayaan laga badin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartan rasmi ah (W7, D3), todobada guul ayay min hal gool ku badiyeen.

75 boqolkiiba goolasha laga dhaliyay Portugal Euro 2016 ayaa ka yimid meel ka baxsan diilinta ganaaxa sadex kamid ah afartii gool ee ugu dambeeyay ayaa halkaas ka dhashay.

todobadii gool ee ugu dambeysay Portugal koobka Yurub ayaa waxaa dhaliyay Cristiano Ronaldo ama Nani.

Shaxda Macquulka ah ee Labada xul

Croatia: Subašić; Srna, Ćorluka, Vida, Strinić; Modrić, Badelj; Brozović, Rakitić, Perišić; Mandžukić

Portugal: Rui Patrício; Vieirinha, Carvalho, Pepe, Guerreiro; William Carvalho, João Moutinho, André Gomes, João Mário; Nani, Ronaldo.